|
Written by Saalim
|
|
Wednesday, 28 July 2010 11:51 |
|
Qaraxyo xoogan ayaa xalay laga maqlay magaalada Muqdisho kuwaasi oo lala eegtay ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa shisheeye ee ku sugan qaybo yar oo katirsan magaalada Muqdisho.
Xalay Fiidkii ayaa qaraxayo si xig xiga laga maqlay degmada Wadajir oo ay maamulaan AMISOM iyo Dowladda KMG ah, dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ay maqleen ilaa iyo 4 qarax oo gilgilay degmada.
Qaraxa ugu weyn waxaa lala beegsaday fariisin ay ciidamo katirsan Dowlada KMG ah ku sugnaayeen waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac aad u farabadan oo soo gaaray ciidanka.
Dad goob joogayaal ah ayaa xaqiijiyay in ay dhinteen Sedax Askari oo caan ka ahaa xaafadda Buulxuubeen, daqiiqado kadb ayaa la maqlay ilaa iyo Sedax Qarax oo ka dhacay meel ku dhaw guriga gudoomiye K/xigeenka Wadajir balse lama oga Khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi.
Xuseen Bootaan Gudoomiye K/xigeenka Wadajir oo saaka lahadlay saxaafadda ayaa qiray in qaraxyo dheceen balse wuxuu ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo khasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi.
Xoogaga islaamiyiinta ayaa kusoo xoogaystay degmooyinka Dharkeynley iyo Wadajir oo hoy u noqotay dilal iyo qaraxyo lala eegtao saraakiisha dowladda iyo ciidanka dowladda qaybihiisa kala gedisan.
Dhinaca kale khasaara ayaa shacabka Rayidka ah kasoo gaaray duqaymo ay ciidamada AMISOM ka gaysteen xaafado katirsan degmooyinka Huriwaa iyo Dayniile ee magaalada Muqdisho, madaafiic kusoo dhacday Huriwaa ayaa dhalisay dhimashada Sedax qof oo Rayid ah iyo dhaawac sahcab soo gaaray.
Sidoo kale madaafiic ayaa ku hoobatay xaafadda Gubta degmada Dayniile waxaana jira khasaara shacabka soo gaaray, Cali Muuse Sheekh Madax gaadiidka Gurmadka dadweynaha ayaa sheegay in ay dhaawacyo farabadan ka qaadeen Gubta iyo Huriwaa ee magaalada Muqdisho, AMISOM ayaa sare u qaaday dhibaatada ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku dhaqan
|