|
Written by :News Desk
|
|
Thursday, 29 July 2010 17:05 |
|

Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee degmada Caabudwaaq ayaa sheegay in uu hakad galiyay qaadista dacwadaha dhulalka kuwaasi oo mudooyinkii dambe ku soo batay Magaalada Caabudwaaq.
Culaamu’diinka Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxaa ay sheegen in maalmihii ugu dambeysay ay soo badanayeen dadka isku heysta dhulalka iyadoo inta badan ciidamada nabad galyada ay howlgalo ka sameeyeen goobo badan oo ay ku yaaleen dhulal la isku qabsaday.
Maxkamadda Magaalada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa maalmihii u dambeysay waxaa ay mashquul ku aheeyd dhageysiga dacwadaha u dhaxeeya dadka uu murunku ka dhex taaganyahay ee isku heysta dhulalka, iyadoo inta badan dhulalka la isku heystana ay yihiin kuwii dowladii dhexe ee Soomaaliya iyo dhulal cusub oo dadku ay qabsadeen.
Maxkamada ayaa waxaa ay sheegtay inay hakineyso murunada ku saleysan dhinaca dhulalka ilaa inta laga baxayo bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaana dacwooyinka ugu badan ee ay qaado maxkamada Caabudwaaq ay tahay muranka dhinaca dhulka iyadoo ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna haatan ay ku guuleysteen inay ka hortagaan khilaafyo sababi karey gacan ka hadal.
News Desk.
|
|
Last Updated on Thursday, 29 July 2010 18:27 |